|

Daawo:-Ilhan Omar oo jawaab kulul siisey Donald Trump iyo Shir jaraa,id-Video

Laascaanood ( HM) Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas oo Donald Trump uu ku cunsuriyeeyay asalkooda ayaa sheegay in hadalkiisa uusan wax kasoo qaad lahayn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib ayaa dadka Maraykanka ka codsaday in aysan ku dagmin ‘dabinka Trump’.

Trump ayaa hadalka u dhigay in ay dalkoodii ku laabtaan, inkasta oo afartooduba yihiin muwaadhiniin Maraykan ah,  Wuxuuna  difaacay hadaladiisa, isagoo beeniyay inay yihiin kuwa cunsuriyad ah.

“Waa arrin la idiinka jeedinayo qalalaasaha uu maamulkiisa hayo iyo dhaqanka musuqmaasuqa” ayay yiraahdeen dumarkan oo shir jaraa’id qabtay.

Ilhan iyo Tlaib ayaa ku celiyay baaqoodii ahaa in codka kalsoonida loo qaado Madaxwayne Donald Trump.

Dumarkan ayaa sheegay in marnaba aanan afkooda la qaban karin, islamarkaasna aanan la takoori karin, waxayna sheegeen in ay Afar ka badanyihiin, ayna ka midyihiin qof kasta oo aaminsan waxa ay rumeysanyihiin. “Indhaha taariikhda ayaa na eegaya, waxa ka dhacaya xuduudaheena ee ah ku xad gudub xuquuqda aadanaha ma ahan wax wanaagsan ” ayay tidhi.

Gabdhahan ayaa sheegay in aysan marnaba ka daali doonin in ay la xisaabtamaan Trump.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75666

Posted by on Jul 16 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM