|

Daawo:-Cali Khaliif oo difaacday inuu yahay Muwaadin reer Soomaliland ah iyo Dood kulul Hargeysa-Video

Hargeisa ( HM ) Magaalada Hargeisa   waxaa lagu Qabtay dood ku saabsan Xaalada Soomaaliland ay Marayso,  Waayihii kala duwanaa ee lasoo Martay Wakhtigii Midnimada Soomaaliya,  Iyo Xaalada ay hada  ku sugan tahay Tan iyo Markii ay ku dhowaaqday Gooni goosadka.

Doodada waxaa ka Qayb galay Xubno uu kamid yahay Hogaamiyihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galadh iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.

“Dhowaan Tabliqii Siyaasiga ahaa ee aanu Bilownay, Dad ka xumaa way jiraan, Balse Taasi Somaliland waxay usoo Hoysay guul wayn oo dhinaca Diimuqraadiyadda ah,  Anigu waxaan Daacad u ahay Anigu Soomaalilander ayaan ahay, Balse isku wada sumad ma nihin,  oo isku taariikh ma nihin, Balse waxaana inaga wada dhexeeya Yoolka aynu doonayno” Ayuu yidhi Cali Khaliif.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo baahan yahay Inay muhiim tahay in laga dodo sababta keentay Guuldarooyinka kala duwan ee Somaliland soo Wajahay, Iyadoo hada aysan ku wada sugnayn Dhulkii Somaliland,  iyo Sida mustaqbalka loo Sixi lahaa.

“1991 ilaa hada waynu ku Fashilanay Nidaamkii Dawladnimo, Maxaa dhacay, waa in lasoo saaro Sababta keentay Guuldarooyinka oo Si cilmiyaysan loo baadho, Si aan mustaqbalku inooga Xumaan”.Ayuu yidhi Faysal.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75654

Posted by on Jul 16 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...