|

Dhul gariir xoogan oo ku dhuftay Gobalka Bari iyo Wararkii ugu dambeeyay..

Boosaaso (HM) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul Gariir.

Khubarrada dhinaca Dhul Gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul Gariirkaas cabbirkiisu ahaa 5.0magnitude .

Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari ee Puntland.

Dhul Gariirkan xalay ku dhuftay Gobolka Bari ayaa ka dhacay meel Magaalada Bareeda u jirta 171 KM.

Waxaa uu saameeyay 10km isku wareeg ah,waxaana jihadiisu ahayd 13.3039 digrii oo waqooyiga ah iyo 50.449 oo jihada bari ah.

Soomaaliya kuma badna dhul Gariirrada ilaa haddana faah faahin rasmi ah lagama helin Dhul Gariirka xalay fiidkii ka dhacay Xeebaha Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75626

Posted by on Jul 15 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...