|

Daawo:-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo waraysi kulul laga qaaday iyo Xiisada Kenya-Video

Laascaanood  ( HM) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamijka DOOD-WADAAG ee ka baxa Telefeshinka Universal kaasi oo horay uu usoo jeedin jiray Wariye Cawil daahir Salaad oo lagu dilay magaalada Muqdisho Dhamaadkii Sanadkii hore.

Wasiirka Arimaha Debedda DF Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa marti uu ku Noqday Barnaamijka oo uu soo Jeedinayo Wariye Cagmadhige, Waxaana lagu daah Furay Taariikhdiisa oo kooban isagoo horay usoo noqday Safiirka Soomaaliya ee magaalada Washington ee dalka Maraykanka, Sidoo kale kasoo shaqeeyay QM, islamarkaana door fiican ku lahaa Dhisamaha Dawladnimo ee Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu horayn Wasiir Cawad ayaa tacsi ka diray dadkii Soomaaliyeed ee lagu dilay Kismaayo, Wuxuuna xusay in Wasaaradda Arimaha debeddu ay bixin toonto Sanad kasta Abaal Marin loogu magac daray Hodan Naaleeye, Taasi oo lasiin doono Qof Soomaaliyeed oo dalkiisa ka bixiyey Sawir wanaagsan.

Wasiir Cawad waxaa uu ka hadlay Shirka uu magaalada London uga Qayb galay, Arimaha looga hadlay, Kulamo uu la yeeshay Madaxda Dawladda Ingiriiska Iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75628

Posted by on Jul 15 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...