|

Daawo:-Dowladda Canada oo ku dhawaaqday Dagaal ka dhan ah Al-shabaab kadib dilkii Wariye Hodan Naalaye-Video

Muqdisho (HM)  – Ra’iisul wasaraaha dalka Canada Justin Trudea ayaa ku dhawaaqay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dowladdiisu ka taageeri doonto dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Justin Trudea oo ka hadlay weerarkii Kismaayo ayaa sheegay in aan indhaha laga laaban karin falalka guracan ee ay geysanayaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’isalwasaraaha Canada ayaa carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ay kala shaqeynayaan, sidii nabad buuxdo loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

“Anaga oo kaashaneyno Beesha Caalamka ayaan ka shaqeyn doonaa sidii xididada loogu siibi lahaa xagjirnimad.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Justin Trudea.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale wuxuu Tacsi u diray Ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkii sabtidii ka dhacay Kismaayo, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin u dhashay dalkiisa.

Al-Shabaab ayaa dhabarka u ritay weerarkaasi oo ay ku dhinteen 26 Qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 56 kale oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75634

Posted by on Jul 15 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...