|

Daawo:-Maamulka Puntland oo doonaysa Garoowe inay kusoo fidiso xadka Gobalka Sool iyo Xiisad-Video

Laascaanod  ( HM ) Maamulka gobolka nugaal ee puntland ayaa u soo raray kontaroolkii magaalada Garoowe deegaanka bixin ee degmada boocame gobolka sool sida ay xaqiijiyeen odayaasha deegaanka bixin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Amarka raritaanka kontaroolka Garoowe ee loo rarayo deegaanka bixin ee Gobolka Sool, ayaa la sheegay inuu Bixiyey  wasiirka maamliyada puntland iyadoo qorshuhu yahay in la fidiyo magaalada Garoowe .

Arintan ayaa waxay keentay Xiisad markale halkaasi kasoo Cusboontay, Iyadoona ay is horfiyaan Ciidan ay leeyihiin dadka deegaanka iyo Kuwa maamulka.

Oday Maxamuud Muuse oo kamid ah Odayaasha deegaanka ayaa ka hadlay Siday wax udhaceen, wuxuuna sheegay in Xadkii Gobolada Sool iyo Nugaal  loosoo raray dhinaca gobolka Sool

“Meesha hada shaqaaqo ayaa ka taagan, Dadkaasi waxay wadaan deegaan iyo Dhul Boob, Ciidamo iyo waxgarad ka socda dhinaca Boocame iyo kuwii Puntland ayaa halkaasi isku horfadhiya,  waa daldoon iyo deegaan doon waxay wataan Xeer ay Qorteen,  Balse lama Aqbali doono Deegaamayn Cusub”. Ayuu yidhi Maxamuud Muuse.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75613

Posted by on Jul 14 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...