|

Wararkii ugu dambeeyay ee Gobalka Sanaag iyo halka uu Caarre ku sugan yahay..

Ceerigaabo ( HM) Xaalada Magaalada Ceerigaabo iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Sanaag oo ay shalay ka dhaceen Dagaalo iyo Banaaxyo Rabshado watay ayaa maanta degan.

Magaalada Ceerigaabo ayaa lagu soo Waramayaa in Habaynkii Xalay lagu soo Rogay Xaalad BANDOW ah, Waxaana maanta dib u bilowday isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga,  Walow Qaybo kamid ah magaalada Xiisadaasi laga dareemayo.

Dhinaca kale Jabhadda uu Hogaamiyo Kornayl Caarre oo Horay Fadhiisin ugu lahayd Duleedka magaalada Qardho, ayaa lagu soo waramayaa inay Hada usoo Wareegeen Buuraleyda Galbeedka Gobolka Sanaag.

Xalay saqdii dhexe mar kale waxaa ciidamada Somaliland isku dayeen inay dhanka Buuraleyda Ceerigaabo u dhaqaaqaan, haseyeeshee waxaa labbada Ciidan isku muteen iridka “Karin” oo ah kan laga galo Buurta Daallo.

Ciidamada Somaliland dib ayay halkaas ugasoo laabteen, Buuraleyda Ceerigaabona iyo labba kamid dariiqyada laga soo galo magaalada waxay gacanta ugu jiraan Jabhada Kornayl Caarre.

Odayaal iyo Waxgarad ayaa lagu soo Waramayaa inay Maanta ku baxeen, Kuwaasi oo ku Howlan sidii loo Xakamayn lahaa Xaalada Gobolka inta aysan Faraha ka bixin.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75573

Posted by on Jul 11 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.