|

Gaalkacayo Maleeshiyaad Dad Xoolo dhaqato ah ku dilay dhanka Puntland…

Laascaanood (HM)-Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacntay kadib markii koox hubaysan ay duhurnimadii shalay jidka u galeen gaari siday oo marayey meel u dhexaysa tuulada Gaxandhaale iyo degaanka Saaxo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Gaariga la weeraray oo ay saarnaayeen dad xoola-dhaqato ah ayaa sida la sheegayo ka yimid dhanka tuulada Gaxandhaale waxaana uu ku socday degaanka Saaxo balse kooxda hubaysan oo ka soo gudbay dhinaca koonfurta Mudug ayaa si aan kala sooc lahayn rasaas ula dhacay maatadii gaariga saarneyd oo ay ku jiraan haween iyo carruur sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dadka gaariga saarnaa 5 ruux kamid ah isla goobta ku geeriyoodeen halka saddex kalena meesha laga qaaday iyagoo dhaawacyo culus qaba. dhinaca kale kooxdii dadka laayay ayaa goobta ka baxsaday.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75580

Posted by on Jul 11 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.