|

Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Magaalada Burco oo kacsan…

Laascaanod ( HM) Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer waxaa hada ka socda Qaybo kamid ah Banaanbaxyo Salka ku haya Xaalada Colaadeed ee kasoo Cusboontay Gobolka Sanaag.

Qaar kamid ah shacabka ayaa dhigaya Banaanbaxa, kuwaasi oo taayiro ku gubaya Qaybo kamid ah Wadooyinka magaalada Burco, Kadib markii Deegaanka dhoob ee duleedka Ceerigaabo uu ka dhacay ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Kornayl Caarre,  iyadoo uu dagaalkaasi dhaliyey khasaare kala duwan.

Sidoo kale magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa ka dhacay Kacdoon ka dhan ah Somaliland, Iyadoona Qaar kamid ah Shacabka magaaladu ay hubkooda lasoo baxeen, waxaana gudaha magaalada Laga Maqlay dhowaaqa Rasaasta.

Kornayl Caarre ayaa saamayn wuxuu ku leeyahay Sanaag iyo Togdheer oo kamid ah deegaanada ay Beeshiisu degto.

Xukuumadda Somaliland ayaan Weli ku guulaysan Inay Xal waara ka gaadho Colaado Sokeeye oo kusoo Noqnoqday deegaanka Ceel-Afwayn, Waxaana sidoo kale Colaada cusub ee Ciidanka Somaliland iyo Jabhada Kornayl Caarre u muuqaata mid uga sii dari karta xaalada Gobolkaasi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75565

Posted by on Jul 10 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.