|

Muuse Biixi oo soo saaray amar deg deg ah iyo wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Ceel Afweyn ..

Hargeysa (HM) ―Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray amaro deg deg ah oo lagu dajinayo xaalada dagaal ee kasoo cusboonatay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa shalay galankii dambe kulan deg-deg ah la qaatay Saraakiisha ciidamada Somaliland, iyaga oo ka wada hadlay dagaalkaasi ka soo cusboonaday degmada Ceel Afweyn.

Kulankaasi oo ahaa mid albaabadu u xiranyihiin oo warbaahintu aysan goob joog ka aheyn, ayaa hadana xogaha kasoo baxaya waxay sheegayan in Madaxweyne Biixi uu saraakiisha ku amray inay Ciidamada Milaterigu ay si deg-deg ah u kala dhex-galaan beelaha isku hor fadhiya deegaano ka tirsan degmada Ceel Afweyn.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale wuxuu Saraakiisha u sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalada soo laab-laabtay ee ka soo cusboonaanaya deegaanka Ceel Afweyn, kuwaasi oo ay ku naf waayen dagaalkaasi inta la xaqiijiyay Sagaal qof halka Labo iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Warar kale oo aan helayno ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland ay dhowrkii saacadood ee la soo dhaafay ay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanadii lagu dagaalamay ee Ceel-Afweyn, iyaga oo fulinaya amarkii Madaxweyne Biixi ee ahaa in ciidamadu kala dhex galaan beelaha isku hor fadhiya deegaanadaasi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75542

Posted by on Jul 9 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...