|

Puntland oo deeganadeeda ka mamnuucday badeecada Soomaliland ka timaada..

Laascaanood (HM)-Golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa Isniinta maanta cod aqlabiyad leh ku mamnuucay in Konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ee Somaliland, la keeno degaannada Puntland.

Golaha ayaa sheegay in Konteenarada laga soo dejiyo Berbera ay curyaamin ku yihiin, dekedda magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Puntland.

Baarlamanka ayaa sidoo kale u codeeyay, in canshuur xad-dhaaf ah oo u dhiganta %500 la saaro, badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland.

Go’aanka Golaha wakiilada Puntland ayaa ku soo beegmay, iyadoo todobaadkii hore ay wasaaradda Maaliyadda Puntland canshuur laba-jibbaaran ah saartay badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland.

Dikreeto 29-june-2019 ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa lagu amray in badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland laga qaado, canshuur laba-jibbaaran oo u dhiganta 200%.

Go’aanka wasaaradda ayaa lagu sheegay mid lagu ilaalinayo xuquuqda ganacsatada Puntland,islamarkaan lagu yareynayo ganacsiga aan muhiimka ahayn ee Puntland kaga soo furan dhinaca Somaliland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75519

Posted by on Jul 8 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.