|

Daawo:-Ra’iisul wasaare Khayre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Gaalkacayo iyo Socdaalkii-Video

Gaalkacayo (HM) –Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow safar dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey Xildhibaano, Wasiiro, mas’uuliyiinka tirsan Galmudug iyo boqolaal dadweyne ah.

Khayre ayaa fagaare la’isugu keenay shacabka ku dhaqan Gaalkacyo goor dhow kula hadli doono halkaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaaruhu kulamo gaar gaar ah uu ka bilaabo gudaha magaaladaasi.

Kulamadan ayaa intooda badan diirada lagu saari doonaa dhibaatooyinka amni ee ka jira magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan nabad galyada gobolka Mudug.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa safarkan uga soo ambabaxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgauud, isagoo aan la kulmin waxgaradka magaaladaasi.

Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay inay ka biyo diideen kulanka Khayre, waxaana ay ku eedeeyeen inuu uga baxay ballama uu horay ula galay.

Arrintan ayaa salka ku heysa muranka weli ka taagan halka lagu qabanayo doorashada iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug oo dowladda federaalku iclaamisay in labaduba ay ka dhacayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75504

Posted by on Jul 8 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.