|

Daawo:-Maxakamadda Hargeysa oo Wariye Coldoon ku xukuntay inta Muuse Biixi xilka uga hadhay-Video

Hargeysa (HM) – Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ayaa saaka xukun adag ku riday Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo muddooyinkii dambe ku xirnaa gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Wariye Coldoon ayaa eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ahaa inuu aflagaadeeyey Madxaweynaha Soomaaliland, sidoo kalena uu wax ka sheegay dugsiga Abaarso oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxkamadda Maroodi-Jeex ayaa Wariyahan ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii  ay sheegtay in lagu helay dambiyadaasi.

Coldoon ayaa marar badan la soo hor istaajiyey maxkamadda, balse ugu dambeyn saaka ayaa lagu riday xukunkaasi.

Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa aad wax uga qora arrimaha Soomaalinad, gaar ahaa dhiilalaha maamulkaasi, kuna baahiya baraha Internet-ka.

Somaliland ayaa dhowr jeer ku xirtay gudaha magaalada Hargeysa, kuna riday xukuno kala duwan.

Inta badan Somaliland ayaa xabsiga dhigta dadka wax ka sheega, waxaana iyo had jeer lagu eedeeyaa in caburin xoogan ku heyso dadka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75484

Posted by on Jul 8 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...