|

Akhriso:-Sidee Ciidamadda amaanku uga hor tageen Gaadhigi Qaraxa lagu soo raray?

Muqdisho (HM)-Ciidamada Amniga ayaa ka hortagay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray oo saaka ku qarxay agagaarka Isbitaalka Digfeer, kaddib markii gaariga uu isku dayay inuu maro jid xirnaa oo carro ku go’neyd.

Gaarigan oo ahaa nooca Toyota Prada ayaa darawalka waday uu isku dayay inuu ka bootiyo carro-tuurka, balse waxaa ka shakiyay Ciidamada Amniga, kuwaasoo ku amray inuu gaariga ka dego.

Ciidamada ayaa dhowr rasaas ku riday, waxaana ciidamada ka rareen goobta dadkii ka ag-dhowaa, si aanu khasaare uga soo gaarin, taasoo keentay saacad kadib in gaarigu qarxo, khasaarahana ku koobnaado darawalka gaariga waday.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ka muuqday burbur xooggan oo sababay qaraxa, waxaana muuqatay in qaraxa uu ahaa mid aad tankiisu u badnaa, isla markaana uu geysan lahaa khasaare intaas ka badnaa, haddii uu u gudbi lahaa goobaha dadka ku badan yihiin.

La Taliyaha Amniga Madaxweynaha Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ku ammaanay Ciidamada Amniga sida geesinimada leh ee ay uga hortageen gaariga qarxay ee Muqdisho ku soo socday, waxaana uu xusay in awoodda Ciidanka Booliska ay sii xoogeysaneyso, tallaabooyinka degdega ee ay uga hortagayaan iyo xirfadooda sare.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari kale oo qarax sida uu ku jiro magaalada, waxaana Ciidamada lagala hadlay gacanka qadka isgaarsiinta, iyadoo lagu amray inay ka hortagaan gaariga oo la sheegay in noociisu yahay kan Soomaalida u taqaano Leyla-Calaawi.

Ciidamada Amniga ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgalada lagu sugayay amniga Caasimadda Muqdisho, iyagoo xiray jidad badan oo magaalada ka mid ah.

Jowhar

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75491

Posted by on Jul 8 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...