|

Daawo:-James Swan oo Sool iyo Sanaag ku sheegay dhul lagu muransan yahay!!-Video

Laascaanood (HM)-Madaxweyna maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aqalka Madaxtooyadda ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo, waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo.

“Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa.

Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” Ayuu yiri, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixiyey kulanka ay la qaateen Wafdiga ka socday Qaramada Midoobey.

James Swan ergeyga Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa mar uu soo hadal qaaday xaalada Gobalada Sool iyo Sanaag waxaa uu ku sheegay deegaan lagu muransan yahay oo loo baahan yahay in xal waara laga gaaro!!.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha maamulkaPuntland Soodhoweynta, Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan wadashaqeynta iyo Mashaariicda Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75522

Posted by on Jul 8 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.