|

Daawo:-Odayaasha Laascaanood oo Karbaashay Faysal Cali Waraabe-Video

Laascaanod ( HM) Afhayeenka Odoyaasha gobolka Sool Caaqil Axmed Maxamuud Daad ‘Sanyare’ oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood  ayaa ku tilmaamay Faysal Cali Waraabe mid maalinba beel sheegta isla markaana sameeya cadaawad iyo Nacayb uu u hayo midka mida beelaha Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Isagoo ka Jawaabay Hadal shalay kasoo yeedhay Faysal Waraabe ayuu sheegay in Dawladda Soomaaliya oo Soomaalidu ku mIdaysan tahay, uu ka Bartilmaameed saday 4 Shaqsi oo Madaxwayne Farmaajo iyo Wasiir Jamaal ay ku jiraan, Kuwaasi oo uu ku Beegsanayo Beel ahaan, Sida uu sheegay.

Caaqil Sanyare ayaa sidoo kale xusay inuu Faysal yahay shaqsi maalinba Qolo gaar ah sheegta, Wuxuuna xusay inay tahay wax laga xumaado inuu dhaliilo maalin kasta  Siyaad Barre oo Wakhti hore dhintay, Isagoo Xiligii Dawladiisii shaqo gaar ah u qaban jiray oo aan kasoo horjeedin.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Eedayntii Faysal u Jeediyey Suldaanka Beesha Warsangeli iyo Maamulka Puntland, wuxuuna xusay in Cadaawada uu Qabo Faysal Sidoo kale ay ka muuqato maamulka uu duulaan ku ah Beelaha Harti-waqooyi.

Caaqil Sanyare wuxuu ka hadlay dhaliilaha ku xeeran Somaliland, wuxuuna sheegay inay Beel gaar ah Madaxa uga duuban tahay,  isagoo sheegay in shaqsiyaadka jooga Halkaasi ee kasoo jeeda Sool iyo Awdal ay yihiin dad aan Saamayn lahayn.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75473

Posted by on Jul 7 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...