|

Daawo:-Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku wareersan xidhiidhka Caalamiga ah iyo Diblamasiyadda-Video

Laascaanood (HM)-Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay kamid tahay waddamada muhiimka ah ee dhaca geeska Afrika, kullaala Badweynta Hindiya, talo iyo go’aanna ku leh Gacanka Cadmeed islamarkaana si togan iyo si tabanba u saameeyn kara isku xirka adduunka iyo socdaalka ganacsiga.

Muhiimadda Istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah mid siineysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Kaar siyaasadeed (Political capital)  ma aha mid maanta iyo shalay dhalatay balse waxa ay soo jirtay qarniyo hore, geesku weligiiba waxa uu ahaa meel ay isha kuwada hayaan awoodaha waaweyn iyo boqortooyooyinkii maamulayey muddo dhul kamid ah geeska Afrika, sababtuna waa in Geeska Afrika kulaalayo marinada waaweyn ee ganacsiga adduunka, Badda iyo Berriga labadaba, laga soo billaabo qarnigii 15aad illaa maanta waxa kor u kacayey tartanka iyo xusulduubka reer galbeedka iyo carabtu ay ugu jiraan si ay awood fulineed ugu yeeshaan gobolka, tartaankaas ayaa mararka qaarkood isu rogayey Hardan iyo dagaal ujeedkiisu yahay in cidda gacanta ku haysa marinada ganacsiga adduunka ee geeska Afrika ay go’aamineyso horumarka iyo koboca dhaqaalaha adduunka!

Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxa ay leedahay laba ujeeddo oo waaweyn kuwaas oo kalaha:

HALKAN KA DAAWO VIDEO

  1. Illaalinta danaha iyo Qiyamka Soomaaliyeed
  2. Horumarinta iyo hagaajinta danahaas.

Illaalinta danaha iyo Qiyamka Soomaaliyeed.

Illaalinta danaha iyo Qiyamku waxa ay u baahan tahay feejignaan, xeerin iyo adeegsiga gobaadsiga xiriirka iyo Afka ee dowladaha danuhu kala dhexeeyaan Soomaaliya iyada oo si gaar ah loo illaalinayo danaha joogtada ah, kuwa degdegga ah iyo masaalixda ganacsiga iyo socdaalka.

Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya oo muddo laba sano ah ay soo mareen laba wasiir arrimo dibadeed waxa ay kujirtaa xaalad wareer iyo iskudhexyaac ah oo kuwajahan sida ay ula taacaaleyso isbeddelka diblomaasiyadeed ee kadhacaya gobolka geeska Afrika, sidaas awgeed waxa ay hadda si foorarta u adeegsaneysaa tallaabooyinka ay diblomaasiyaddu marto, tusaale ahaan halkii ay ahayd in arrinta Guinea-Conakry ay u marto una raacdo sida ay u kala horreeyaan tallaabooyinka wada-xaajoodka hannaanka diblomaasiyadda (Stages of the Negotiation Process in Diplomacy) waxa ay qaadatay tallaabadii ugu dambeysay uguna khasaaraha badnayd, taas oo kadhigan in Wasaaraddu kuwareersan tahay xiriirka caalamiga ah.

Guinea-Conakry iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay kuwada jiraan ururada Islaamka iyo midowga Afrika, Ururka Islaamka (OIC) oo ay Soomaaliya ku lahayd dhismihiisa kaalin libaax xubinna ka tahay laga soo billaabo 1969 waxaa guddoomiya Boqortooyada Sucuudiga oo xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya islamarkaana ay kawada dhexeeyaan dano muhiim ah, waxaa kale oo xiriir fiican laleh Guinea-Conakry Waddanka Turkiga oo isna xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya.

Halkii ay ahayd in Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya cabashadeeda marsiiso ururradaas iyo golayaasha kale ee wadaayga iyo saaxiibka waxa ay qaadatay in ay ku dhawaaqdo tallaabada ugu dambeysa ee wada-xaajoodka hannaanka diblomaasiyadda.

Guinea-Conakry waxa ay soo dhoweysay wafdiga madaxweynaha Somaliland oo muddo kudhow 30 sano raadineysa aqoonsi caalami ah, iyada oo aan wasaaraddu hubsan nuuca soo dhoweynta iyo heerka ay Guinea-Conakry u la macaamiishay Wafdiga Somaliland ee aqoonsi iyo xiriir doonka ah ayay qaadday tallaabada qar iskaxoornimada ah ee ay xiriirka danjire la’aanta ah ugu jartay Guinea, taas oo muujisay sida ay gebi-dhacleynta ugu jirto siyaasadda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Horumarinta iyo hagaajinta danaha.

Siyaasadda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya waxa kale oo haysta mashaakil dhinaca Wacyiga iyo fahamka ah, tusaale ahaan billowgii sanadka 2019 waxaa booqday Somaliland madax sare oo kasocotay dhowr waddan oo kaladuwan, kuwaas oo dhammaantood dabajoogay dano  u gaar ah oo ay ahayd in ay kala-xaajoodaan Soomaali wadajirta balse ay fursad u helay in ay kala xaajoodaan Soomaali kalaqaybsan.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ku adag in ay si deggan u aqriso arrimaha isku aadaya kaddibna ka qaadato go’aan ku dhisan xikmad iyo diblomaasiyad, tusaale ahaan booqashada wafdiga Somaliland ee Guinea-Conakry waxa ay salka ku haysaa dadaal isa soo taraya oo kasocda dhanka isutagga Imaaraadka Carabta kaas oo iskudeyaya in uu suuqgeeyo Somaliland si uu cadaadis u saaro Dowladda Soomaaliya, halkii ay ahayd in Siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya fahamto lana tacaasho jilayaasha aan muuqan ee kudhex qarsoon Arrinta Somaliland waxa ay dooratay in ay mashquul ku noqoto miraha kadhalanaya xiriirka xun ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Xog-hayaha gaashaandhigga UK iyo MW Somaliland

Gavin Williamson xog-hayaha gaashaandhigga ee Ingiriiska ayaa tegey Hargeysa January-2019, waxa uu la kulmay madaxweynaha Somaliland gaashaanle sare Muuse Biixi Cabdi, inkasta Wakiilka Somaliland ee Nairobi uusan beenin islarakaana rumeyn haddana waxa soo baxay in booqashada Williamson ujeedkeedu ahaa sidii UK saldhig Milateri uga heli lahayd waddan kuyaal geeska Afrika, Cumar Baashe wakiilka Somaliland ee Nairobi waxa uu sheegay in booqashada Williamson ay indhaha adduunka kusoo jeedineyso Somaliland islamarkaana ay cadaadis kusaarayaa beesha caalamka in ay aqoonsi siiyaan Somaliland.

Danjiraha Sucuudiga ee Soomaaliya iyo MW Somaliland

Maxamed Cabdi Qayad danjiraha Boqortooyada Sucuudiga ee Soomaaliya ayaa May-2019 waxa uu booqday Hargesa, booqashadaas ujeeddadeeda la qeexay waxa ay ahayd in Sucuudigu kacaawiyo Somaliland dhinacyada Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo in la qaado xayiraadda dhoofka xoolaha oo Somaliland lagu xiray in ay ogolaansho dhoofka xoolaha kahesho Muqdisho.

UAE ayaa xiriir iyo wadashaqeyn toos ah oo aan loo marin dowladda federalka waxa ay la yeelatay Somaliland, iyada oo madaxweyne Muuse Biixi dhowr mar booqasho heer sare ah ku tegey Imaaraadka, Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay Imaaraadka kala hadasho arrinta dekedda Berbera markii dambana waxa ayba Soomaaliya soo saartay go’aan lagu baabi’iyey heshiis wadahadal iyo heshiis kusaabsan dekedda Berebera oo u dhexeeyey Somaliland iyo Imaaraadka, go’aankaasina maaddaama aan hab deggan oo diblomaasiyadeed loo marin waxa uu sii fogeeyey dad badan oo kasoo jeeda Waqooyiga kuwaas oo ku qanacsan midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Sidaas oo kale Itoobiya, Masar iyo Erateriya ayaa ku tegey Hargeysa booqasho heer sare ah iyaga oo dabasocda dano dhaqaale iyo kuwa xiriirka gobolka ah, waxa layaabka lehna waa in dowladda Soomaaliya aanay dhammaan booqashadaas kaladuwan fududeyn iyo gacan muuqata kulahayn.

Meelaha Jilicsan ee Muhiimka ah

Waddan walba waxa uu leeyahay meelo jilicsan oo u baahan in siyaasaddooda arrimaha dibaddu aqoonsato kaddibna ay  iskudaydo sidii ay u gufeyn lahayd, si gaar ah waddamada kalaqaybsanaanta siyaasadeed iyo collaaduhu kajiraan.

Somaliland iyo Puntland waxa ay kamid yihiin meelaha sida aadka ugu jilicsan faragelinta iyo kadaneysiga Soomaaliya, taasna waxa sabab u ah kalaqaybsanaanta siyaasadeed ee kajirta Soomaaliya iyo Muqdisho oo aan weli qaadan kaalinteedii ay ku xagsan lahayd dadka iyo maamulada Soomaaliyeed ee kudhaqan goboladaas.

Tusaale ahaan xiriirka siyaasadeed ee u dhaxeeya  Muqdisho iyo Hargeysa waxa uu xumaaday laga soo billaabo 1983dii markii ay curteen jabhadihii ku kacsanaa xukunkii Milateriga ee Soomaaliya, xiriirkaas xumaa waxa uu sameeyey horumar xun oo dhinaca bulshada ah, waxa uu sameeyey kalaqaybsanaan sii baahday iyo iskawarqab la’aan sababtay in mujtamaca Soomaaliyeed ee kunool Hargeysa uu wax xun uun ka maqlo Muqdisho iyada oo sidaas oo kalana Mujtamaca Soomaaliyeed ee kudhaqan Muqdishana ay u taagan tahay midnimada Soomaaliya waa Muqadas iyada oo ay yaraadeen waxyaabaha ay labada magaalo wadagaan oo ay wada illaaliyaan, xiriirkaas xun waxa uu hadda taagan yahay heer uu dhibaato gaarsiin karo ganacsiga iyo Soomaalinimada labadaba.

Haddii Dhaqaale xumo ku hayso Af gobeedsi ha ka tegin

Dhinaca ganacsiga gudaha Soomaaliya badeecooyinka laga ganacsado ee isaga gudbo Xamar iyo Hargeysa, Xamar iyo Boosaaso ama Xamar iyo Kismaayo waa kuwo aad u kooban, ganacsiga ugu badan ee gaadiidka dhulku qaado ee taga magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso waa Khudaarta iyaduna waxa ay la kulantaa dhibaato dhinaca Jidadka  iyo sigaarsiinta ah, taasi waxa ay muujineysaa in gacansiga u kala gudba Soomaaliya uu yahay mid kooban marka lagarab dhigo ganacsiga dhexmara Soomaaliya iyo waddamo kale.

Tusaale ahaan Imaaraadku waxa ay doonayaan in ay Kalluun daray ah (Fresh) ka dhoofiyaan garoonka diyaaradaha ee Boosaaso sidaas awgeed waxa ay 1km oo  dhabbe ay diyaaraduhu ku ordaan ku darayaan garoonka Boosaaso, ohowgan Kalluunka Boosaaso looma dhoofiyo Xamar, Berbera iyo Kismaayo midna sababtuna waa in magaalooyinkaas qudhoodu u baahan yihiin wax ka dhoofsada Kalluunka.

Muqdisho waxa ay haysataa sharciyadda iyo Shatiga kalluunkaasi uga dhoofi karo magaalooyinkaas, waxaa yaal saxiixa kamadambeysta ah ee ganacsigaas ku noqonayo mid xallaal ah oo lagu dabaqay qaanuunka ganacsiga badaha ee Caalamiga ah.

Waajibka dowladda Federaalka ah ee Muqdisho fadhsa looga baahan yahay waa laba xi loo ay tahay in ay u gudato si deggan:

  1. In aan Shatiga dowladnimada lagu dareemin habayaraatee dhibaato kadhan ah qof , Qolo iyo gobol Soomaaliyeed, taas macnaheedu waa in Kalluunka laga dhoofinayo Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo ay dowladda Soomaaliya uga helaan sharciyadda iyo shtiga si fudud xitaa haddii ay wax iskudiidan yihiin.
  2. In aanay u baahan cid kale iyaga oo ka cararaya Muqdisho.

Shirkadda Dubai Port World oo Imaaraadka Carabta u qaabisaln dekadaha ayaa dekedda Berbera kala hadashay Somaliland iyada oo Baarlamaanka Somaliland muran kaddib meelmariyey heshiiska xukuumadda iyo DP World ee kusaabsan Berbera sidaas oo kale Imaaraadku waxa uu kasameysanayaa Berbera Saldhig ciidan hayeeshee howsha Saldhigga iy dekeddaba waxa uu kala xaalay Somaliland balse dhinaca sharciyadda iyo Shatiga ayaa sababay dood dhinaca qaanuunka ah.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyada oo ciyaari karta kaalinteeda islamarkaana Somaliand kalashaqeyn karta ganacsiga iyo fududeynta ayay go’aansatay go’aan sababay in Imaaraadku kadido isaga oo Soomaaliya xijinaya Turkiga iyo Qatar oo aanay lahayn xiriir iyo wadashaqeyn, taasna waxa xigay in Imaaraadku joojiyo wadashaqeyntii iyo iskaashigii uu la lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddibna waxa uu billaabay horumarinta siyaasad col ku ah danaha Soomaaliya.

Haddaba Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya xaggee u socotaa?

Xigasho: Radio Mustaqbal

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75451

Posted by on Jul 6 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku wareersan xidhiidhka Caalamiga ah iyo Diblamasiyadda-Video”

  1. Mr. R. Mustaqbal;
    Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda Giunea”. Faalladda ka dambaysana ayan wax cilmi ku fadhiyin ee ay iska tahay “Mindi-Mindi ku taag” iyo beel abuur.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...