|

Kenya oo markale ku geftay Soomaaliya-Akhriso

Nairobi (HM) – Dowladda Kenya oo dood dhinaca Badda ah haatan ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa markale u geftay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Moses Kuria oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa dafiray dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu shaaciyay in Soomaaliya aysan laheyn dowlad rasmi ah.

Sidoo kale waxa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal daciif ah oo aan awood laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Moses Kuria oo ka hadlayay muranka Bada ayaa xusay in Soomaaliya ay sheeganeyso 40% biyaha Kenya, taas oo uu gar darro ku tilmaamay.

Waxa kale uu dowladda Kenya kula taliyay in ay isticmaasho awoodeeda Milatari, iskana celiso Soomaaliya.

Xildhibaankan ayaa sidoo kale dowladdiisu ka codsaday in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay kala soo baxdo gudaha Soomaaliya.

Kenya ayaa marar badan qaatay tallaabooyin ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda ee labada dal.

Dhageysiga dacwadda u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maxkamadda ICJ dib uga bilaaban doono bisha September ee sanadkan 2019-ka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75347

Posted by on Jun 27 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM