|

Dowladda Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku sheegtay kulan Soomaliland sheegtay inuu ka dhacayo Kenya..

Muqdisho ( HM) Dawladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku Tilmaantay Wadahadal  la sheegay inay Nairobi kula yeelan doonto Somaliland, Kaasi oo Warbaahinta ay u sheegeen  Masuuliyiinta Somaliland.

War kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay “Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nayroobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah lala furo Somaliland marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo.”

Wadahadalka u dhexeeya Dawladda dhexe iyo Somaliland ayaa Muddo Hakad ku jiray, Mana jirto wax Kulamo toos  oo ay yeesheen Labada dhinac.

Dad badan ayay la yaab ku noqotay in Kenya oo Xiisad kala dhaxayso Somaliya in  Xiligan lagu Marti geliyo Wadahadal u dhexeeya Soomaalida, islamarkaana looga hadlo arimaha masiiriga ah ee dalka.

Kulankan Noqday waxba kama Jiraanka ayaa la sheegay inuu soo Qaban Qaabiyey NGO, Waxaana warbaahinta la wadaagay Xubno ka tirsan Somaliland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75321

Posted by on Jun 25 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...