|

XOG:-Shir Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka uga furmaya Kenya iyo cida ka qayb galaysa..

Nairobi ( HM ) Kulan hordhac u ah wada-hadallada  Dawladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland  ayaa maalinta berri ah ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka kala socota labada dhinac ah iyo Bulshada Caalamka..

Dhinaca Dawladda dhexe ee Soomaaliya waxaa la sheegay inuu uga Qayb gelayo Agaasimaha madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha Agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle.

Sidoo kale  Somaliland waxaa Shirka uga Qayb galaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar.

Dhinaca Bulshada Caalamka Waxaa la sheegay inay Shirka ka qayb geli doonaan Danjiraha Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Somaliland-Somalia Olgan Bekar, Wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo Waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75305

Posted by on Jun 24 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM