|

Daawo:-Puntland oo Qaran sheegatay kuna dhawaaqday inaan Dalkeeda lasoo gali karin Visa la,aan-Video

Laascaanood (HM)-Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in aysan ogolaan doonin cid dambe oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo shalay la hadlay warbaahinta Maamulkaasi gaar ahaan TV-ga ku hadla Afka Maamulka Puntland ee  (PLTV) ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

“Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga Puntland.

Iyadoo hadalkaas shalay kasoo yeedhay wasiir ku xigeenka Puntland uu buuq iyo qadaa dhigis xoogan ka samayey warbaahinta Soomaaliya iyo baraha Bulshadu ku wada xidhiidhto ayaa hadana maanta waxaa warbaahinta Daljir Waraysi siiyey isla Wasiirkii shalay isaga oo sheegay in aysan cidna u daba fadhiisan doonin difaaca Qaranka Puntland suu hadalka u dhigay!

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli degaannada Puntland ay ku soo badanayan tahriibayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo qaarkood u sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta.

HALKAN KA DHAGAYSO HADALKA!

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75247

Posted by on Jun 19 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...