|

Soomaliland Warar kasoo baxaya Dil toogasho ah oo ka dhacay Hargeysa

Hargeysa (HM ― Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, kaasi oo loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland.

Dilkan ayaa waxa geystay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland oo magaciisa lagu koobay Dacar, kadib markii ay rasaas isku fureen Askariga kale ee uu toogtay oo isaguna lagu magacaabo Ina Daadays.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in degmada Maxamed Mooge ay is rasaaseyntu ku dhex-martay labadan Askari, halkaasi oo dhawaac culus ka soo gaaray Askariga geeriyooday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Askariga dilka fuliyay uu ka baxsaday goobta uu falkaasi ka dhacay, halka maydka askariga geeriyoodayna la geeyey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Amaanka iyo Xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan dilkan ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75232

Posted by on Jun 18 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...