|

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay halista Cudurka halista ah ee Ebola-Video

Muqdisho (HM)-Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya ay heegan gelisay hay’ado iyo shaqaalo loogu talo galay ka hortaga cudurada faafa, sida xanuunka Ebola.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Dr Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa shaacisay in wasaaradda ay heegan gelisay shaqaalo horey loogu tababaray inay ka hor tagaan xanuunadaan oo kale.

Waxay sidoo kale sheegay inay arinta ku aadan xanuunka Ebola la kaashan doonaan hay’ado caalami ah, kuwaasi oo ka howlgala Soomaaliya, iyaga oo sheegay in hadda uusan jirin walaac badan oo dowladda Soomaaliya ay qabto.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Wasaaraddu Waxay heegan gelisay howlwadeeno horey loogu tababaray ka fal celinta cudur dilaacyada noocaan oo kale ah, waxay sidoo kale heegan gelisay hay’ado iyadoo lala kaashanayo kuwo caalami ah oo dalka ka howlgala”ayay tiri wasiirka caafimaadka xukuumadda Somaliay.

Dr Fowsiyo waxa ay xustay in la tashiyo badan ay sameeyeen, sidoo kala ay la kaashanayaan hay’addaha ay quseyso arrintan ee dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75192

Posted by on Jun 17 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM