|

MURUGADA IYO XANUUNKA:-Dad Shacab ah oo lagu xasuuqay Gaalkacayo..

Gaalkacyo ( HM ) Ku dhowaad 10 ruux ayaa Xalay lagu dilay duleedka Koofureed ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo xiisad ka dhaliyay magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan la dilay ama la xasuuqay oo gaaraya 9 ruux loo dilay heyb ahaan, iyadoo dableyda dilka geystay ay u aaneynayaan dilka Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif), oo ka tirsanaa Ciidamadda Maamulka Galmudug oo marki hore lagu dilay goob lagu caweeyo oo ku taala Koofurta Gaalkacyo.

Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay in dadka ay dileen ka uruuriyeen gudaha magaalada, dabadeedna ay geeyeen duleedka, halkaasoo ay ku xasuuqeen, Waxaana Meydka  dadka lagu xasuuqay duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa la isugu geeyay Isbitaalka.

Dad badan ayaa si adag ug ahadlay Arintan kuwaasi oo ku Tilmaamay  Ficil ka dhan ah  islaanimada, Soomaalinimada, Bini’aadminimada iyo xitaa ehelnimada ummaddeena ka dhexeysa.

Waxaa falkaasi geystay wax magarato aan is dhaamin, oo xasuuq laba geesood ah geystay, sidoo kalana sameeyey fal foolxun oo sina loo aqbali karin.

Maamulka Galmudug iyo waxgaradka Galkacyo ayaa loogu baaqay inay degdeg cadaalada u horkeenaan gacan ku dhiiglayaasha xasuuqa ku geystay gacmahooda, Waxaana sidoo kale loogu baaqay inay dulqaad muujiyaan dadka dhibku gaadhay, oo musiibadaasi xalkeeda laga qeybqaato, iyadoo soomaalidu  gobolkasta  isku dhex nooshahay.

Dadka lagu xasuusay Duleedka Gaalkacyo ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana Arintan kusoo aaday iyadoo dhowaan Afar Ruux oo kale lagu dilay duleedka dhuusamareeb.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75163

Posted by on Jun 15 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.