|

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay falkii xasuuqa ahaa ee Gaalkacayo ka dhacay-Video

Muqdisho (HM)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dadkii lagu laayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, saacado kadib markii sagaal ruux lagu dilay koofurta magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareyneyso ayna ka xun tahay sida ay wax u dhaceen.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonto dadkii ka dambeeyay falka xalay ka dhacay koofurta magaalada Gaalkacyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono Cidii ka dambeysay falkaasi, islamarkaana maamulka Galmudug uu ugu baaqayo in ay gacanta kusoo dhiggaan dambiliyeyaasha.

Falka lagu dilay dadka rayidka ah ayaa ka dambeeyay kadib markii sarkaal ka tirsan NISA lagu dilay magaalada Gaalkacyo, iyadoo dad ay isku heyb ahaayeen ka caroodeen dilka sarkaalka, kadibna ay dileen dadka shacabka ah.

Masuuliyiin kala duwan ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay dhacdada ka dhacday magaalada Gaalkacyo, waxaana dhamaan loogu baaqay Galmudug inay baaritaan dhab ah ku sameyso siday dadka u dhinteen.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75166

Posted by on Jun 15 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...