|

Puntland oo xil u magacowday Qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed..

Garoowe (HM) –Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed oo ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed u magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal.

Warqad ka soo baxday xafiiska Cali Salaad ayaa lagu sheegay in markii la arkay aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa iyo baahida loo qabo in la helo qof xilkan buuxiya Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed loo magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal.

Sidoo kale ganacsatada iyo dhammaan bulshada reer Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal ayaa la faray in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay amniga iyo arrimaha ganacsatada Koonfur Galbeed sida warqadda ku cad.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75156

Posted by on Jun 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...