|

Daawo:-Maxaa hor taagan Heshiiskii Khaatumo iyo Soomaliland?-Video

Laascaanod (HM ) Maamulkii Khaatumo ee uu Hogaaminayey Dr. Cali Khaliif Galaydh islamarkaana Heshiis La galay Maamulkii Axmed Siilaanyo Xili uu Wakhtigiisu dhamaanay ayaa waxaa weli dood ka taagan tahay Fulinta Heshiiskaasi.

Xukuumadda Cusub ee uu Hogaamiyo Muuse Biixi ayaa dhankeeda siwayn uga Biyo diiday Fulinta Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland, waxaana sidoo kale Dr. Cali Khaliif  uu Wakhti dheer Fulinta heshiiskaasi ugu sugnaa magaalada Hargeisa, Waxaana jiray Kulamo uu la qaatay Madaxwayne biixi oo aan Midho-dhal noqon.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale Dr. Galaydh oo Warbaahinta la hadlay dhowr jeer ayaa xusay inaan weli dheg Jalaq loo siinin  Heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Warbaahinta Gudaha ee Somaliland ayaa Dhankeeda Warbixino kala duwan ka diyaariyey Arimahaasi, Waxaana sidoo kale dhowaan ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Inkastoo Markii horaba deeganaada SSC  aan Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland laga wada Taageerin, Hadana Fulin la’aantiisu waxay dhirbaaxo ku noqotay Siyaasiyiinta Door bidayey in Somaliland wax lagu darsado.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75147

Posted by on Jun 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...