|

Daawo:-Cornel Caare ”Muuse Biixi iyo Kaahin waa in Maxkamad lasoo taagaa” iyo Xiisadii G.Sanaag-Video

Laascaanood (HM)-Kornel Saciid Cawil Jaamac Caare oo shir jaraad ku qabtay Magaalada Qardho oo ah fadhiga jabhada uu hogaamiyo ayaa ka hadlay dhawr arimood oo kala duwan, ugu horayn Caare jawaab adag ka bixiyay war kasoo baxay gudoomiyaha Gobolka Sanaag Tiimbaro kaas oo ahaa in Caaro uu dhoofayo, Caare wuxuu sheegay in dalka uusan meelna uga socon ” Hadii dibad wax yaalaan isagaan kasoo tahriibeen aniguna meel uma socdo, adiga gurigaaga waan aqaanaa. dhulka ha qalalo ” ayuu yiri Korne Caare.

Cornelka oo sii wata hadalkiisa wuxuu ka codsaday golaha guurtida iyo baarlaamanka ee Somaliland in ay xil ka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Kaahin oo uu ku tilmaamey gacan ku dhiiglayaal, sidoo kale hay’adaha cadaalada ee dunida ayuu ugu baaqay in ay ku maxkamadeeyaan danbiyada ay galeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cornel Caare ayaa la waydiiyay waxa uu xal u arko ” Waxaan xal u arkaa in Biixi iyo Kaahin xilka laga qaado, aaway hay’ada caalamiga ah ee xuquuqda u dooda. ninmakaas gacan ku dhiiglayaasha ah hala soo taago maxkamad oo halagu qaado danbiyada ay galeen” sidoo kale Horseed Media waxay Caare waydiisay hadii Madaxweyne Biixi iyo Kaahin ay ka codsadaan in miiska korkiisa ay kuwada hadlaan waxa uu ka qabo ” waxaan la hadlayaa marka 8dii qodob ee gacan libaax ay suurta geliyaan ” ayuu ku jawaabay Cornelku.

Horseed Media.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75089

Posted by on Jun 11 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM