|

Daawo:-Ciidamada Maamulka Puntland oo dib ula wareegay deegaanka Af-urur-Video

Laascaanood (HM)-Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Af-urur oo hoostaga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay ay dib ula wareegeen Ciidamada maamulka Puntland.

Deegaanka Af-urur ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa gacanta ku haayay dagaalamayaasha Al-shabaab,kuwaasi oo dhawaan halkaasi la wareegay,iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhicin,kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Puntland ee ku sugnaa.

Gaashaanle dhexe Maxamud Maxamed oo ah Taliyaha Ururka 3-aad ee deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Puntland ay dib la wareegeen deeegaankaas,kadib markii ay dib uga baxeen Al-shabaab.

 HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in muddo laba Isbuuc ah Ciidankood ay ka maqneey gacanta ku heynta deegaanka,hayeeshee ay markale ay dib ugu soo laabteen.

Dhinaca kale ma shaacin Gaashaanle dhexe Maxamud Maxamed in dagaal ay kula wareegeen iyo in kale,balse wuxuu xaqiijiyay inay deegaanka Af-Urur ay la wareegeen.

Deegaanka Af-urur oo hoostaga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa dhawaan si nabad ah ula wareegay Al-shabaab,iyagoona ka sameeystay fariisimo sida lagu daabaday farahooda Intenet-ka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75093

Posted by on Jun 11 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...