|

Walaac xooggan oo soo wajahay Dowladda Kenya-Akhriso

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa waxaa haatan soo wajahay walaac xoogan oo kaga yimid dhanka Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa shaaciyay in ay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay weeraro ka geystaan gudaha dalkaasi.

Kenya ayaa hakad galisay dhammaan gaadiidkii ka imaan jiray Mandheera ee u safrayay magaalada caasimada ah ee Nairobi ,waxaana gawaaridaasi ay ku sii hakan doonaan degmada Ceel-waaq, inta ay xaaladdu ka noqoneyso mid caadi ah.

Jeremiah Ole Kasiom oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa tilmaamay in xogta ay heleen ay sheegeyso in Al-Shabaab ay damacsan yihiin in beegsadaan gawaarida dadweynaha ee isagala goosha deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu intaasi ku daray in hay’adaha ammaanku ay ku jiraan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka hortagi doonaan weeraradaasi.

Al -Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada culus ee ay ka fuliyaan gobolka Waqooyi Bari iyo kan Xeebta ee dalka Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray Ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75056

Posted by on Jun 10 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...