|

Madaxda Maamul gobaleedyada oo shir xasaasi ah ku leh Magaalada Nairobi

Garoowe (HM)-Madaxda qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada ayaa shi ku yeelanaya magaalada Nairobi, iyagoo la kulmi doona Wakiilada Beesha Caalamka.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynayaasha Jubbaland, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug ayaa shir isugu imaanaya, waxaana la filayaa in si wadajir ah ay mowqifkooda ku aadan xaalada dalka u gudbiyaan Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halka la filayo inay gaaraan waqtiyada soo socdo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka imaan doona Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb uu maanta ama berri ka tagi doono.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in markii u horeysay uu ku biirio shirarka Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kaddib markii sanad ka hor uu ka baxay Golihii Iskaashiga maamul goboleedyada.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxda Maamul goboleedyada ay ka dalban doonaa Wakiilada Beedha Caalamka in la sameeyo qorshe Road Map ah oo dalka lagu gaarsiiyo sanadka 2020, sidoo kale waxay taageeri doonaan qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib todobaad la fadhiyay magaalada Garowe.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75062

Posted by on Jun 10 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Recently Commented

  • Cagey: Tirada baarlamaanka guriga hoose waxa la yidhi waa 275 xildhibaan Manama waxa soo xaadiray oo la leeyahay...
  • Cagey: Puntland ma sida jeegaanta ayay iclaamisay goon’isutsaag waa maxay duulimaadyada caalamiga ah ee ay leedahay...