|

Daawo:-Safar uu Axmed Karaash ku tagay Boosaaso oo buuq ka dhaliyey Baraha Bulshada-Video

Boosaso  ( HM ) Madaxwayne ku xigeenka Puntland   Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash Iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo soo gaadhay magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Barri.

Waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay masuuliyiinta  kala duwan ee maamulka  Gobolka Bari,  Iyo wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa safar shaqo oo gaaban, sidoo kale waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay safarka shaqo ee uu kusoo gaaray gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo nasiib u yeelatay inuu kusoo gaaro socdaalkiisii ugu horeeyey tan iyo doorashadii kadib. Madaxweyne Karaash waxaa uu tilmaamay in uu safaro shaqo oo kale ku imaandoono gobolka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhanka kale socdaalka uu Axmed Karaash ku gaadhay Gobalka Bari ayaa waxaa uu baraha Bulshada ka dhaliyey buuq badan kadib markii uu Karaash ka gudbay iskuna miidaamiyey Toga weyn ee Sunijiif oo boqolaal baabuur ah ku xaniban yihiin.

Ugu dambayn Karaash ayaa inta uu joogo gobolka Bari shaqooyin muhiima ka qabandoona gobolka, waxaana uu kulamo muhiima la qaadandoonaa laamaha ammaanka, waxgaradka iyo shacab weynaha gobolka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75050

Posted by on Jun 10 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...