|

Kooxda Al-shabaab oo la wareegay deegaan ay isaga baxeen Ciidamadda Maamulka Puntland.

Muqdisho (HM)-Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo aad u hubeysan ayaa la wareegay deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari, halkaas oo aheyd meel si aad ah looga ilaaliyo magaalada Boosaaso.

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo isaga soo baxay buuraha Galgala ayaa difaacyo adag ka dhistay gudaha xerooyinkii ay baneeyeen Ciidamada maamulka Puntland, waxeyna sidoo kale wataan gaadiidka dagaalka.

Qof ka mid ah dadka ku sugan deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay afka aadiyeen dhinaca magaalada Boosaaso, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa in Ciidanka ay soo baneeyaan dhufeysyadoodii, inkastoo ay muddooyinkan taagneyd cabasho dhinaca mushaaraadka ah.

Saraakiisha Ciidamada ee maamulka Puntland iyo mas’uuliyiinta gobolka Bari wali ma aysan ka hadal xooggaga hubeysan ee la wareegay deegaanka, waxaana durba barakac bilaabay dadkii Shacabka ahaa oo ka cabsi qaba inuu dagaal ka dhaco deegaanka oo ay soo qaadaan Ciidanka maamulka Puntland.

Al-Shabaab ayaa inta badan hore ka qabsada Saldhigyada iyo deegaanada ay baneeyaan Ciidamada, maadaama markoodii horeba aysan ku sugneyn meelo ka fog oo ay joogaan banaanka xerooyinka la soo faarujiyo, iyadoo deegaanka ay haatan qabsadeen ay dagaal askar badan ku dileen kula wareegeen 20-kii Jully sanadkii 2018.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=75021

Posted by on Jun 8 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...