|

Soomaliland Wiilkii yaraa ee Calanka Soomaaliya ku labisnaa oo Maxakamad la geeyay..

Hargeysa (HM) ― Wararka ay helayso HM ayaa sheegaya in Saaka Cabdiraxmaan Aar la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex.

Cabdiraxmaan Aar ayaa Ciidamada Somaliland 14-kii bishan May kasoo qabteen bartanka magaalada Hargeysa, isagoo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah.

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka markii la hor-geeyay C/raxmaan Aar, waxay dhageystay eedihii loo haystay, iyadoona dib ugu jartay 7-cisho oo rumaan ah.

Cabdiraxmaan Aar ayaa waxa la filayaa in dib Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex loogu soo celiyo mudadaas todobaadka ah markuu soo dhameysto.

Wiilkan loo haysto in uu ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah ee saaka Maxkamada la hor-geeyay, ayaa wuxuu ahaa Guddoomiye urur dhalinyarada ka wacyi-geliya dhibaatada qabyaalada oo lagu magacaabo “Ururka qabyaalad-diidka”.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=74782

Posted by on May 23 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...