|

Daawo:-Qaabka loo qabtay Nin doonayey inuu isku Qarxiyo Madaxda Ahlusuna-Video

Guriceel ( HM) Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud  Waxaa ka dhacday Dhacdo cajiib ah oo Bulshada siwayn usoo jiidatay kadib markii Ciidamada Ahlusuna ay gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu isku qarxiyo munaasabad ay lahaayeen Maamulka Ahlusuna.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay baadhitaanka, waxaana ninkan oo soo galay hoolkii ay fadhiyeen Madaxda uu isku dayay inuu isku qarxiyo, balse ay u Qarxi weyday, waxaana isagoo jaakadii qaraxa u xirneyd la xarbinayay ka hortagay Ilaalada Ahlusuna oo isku duubay, garba duubna u xiray.

Ciidamada Ahlusuna ay ninkan ka fureen jaakadii qaraxa uu xidhnaa, isagoo laga saaray goobtii uu doonayay inuu isku qarxiyo, Waxaan  Sawirro laga qaaday ay muujinayaan Ahlusuna oo ninkan ku hareereysan, isla markaana gacmaha iyo lugaha ka hayay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Munaasabadda uu doonayay inuu ninkan isku qarxiyo ayaa waxaa ku sugnaa Madaxda Ahlusuna, sida Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud, Sheekh Maxamed Shaakir Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Sheekh C/risaaq Al-shcari

Ahlusuna ayaa sanad walba 17-ka Ramadaan waxay qabtaan Munaasabad ay ugu magac dareen Maalinta Shuhadada oo ay ku xusaan dagaalyahanadii uga geeriyootay dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab 10 sano ka hor.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=74760

Posted by on May 23 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM