|

Deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan maanta laga soomin iyo sababta-Akhriso

Cadaado (HM)-Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo laga sooman yahay Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka ayaa deegaano ka tirsan Galmudug ayaa maanta laga soomin.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka kaga dhawaaqay in maanta ay u tahay 30 isha Shacbaan, isla markaana maalinta Koowaad ee bisha Ramadaan ay tahay berri oo Talaado ah.

Guddi loo saaray xaqiijinta iyo raadinta Bisha Ramadaan ayaa ku dhawaaqay in aysan arkin bisha Ramadaan, sidaas darteed ay dhameystirayaan 30-ka Shacbaan.

Sheekh Nuur Cilmi Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga xaqiijinta iyo raadinta Bisha Ramadaan ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in berri ay tahay Soon, balse maanta ay dhameystirayaan 30-ka bisha Shacbaan.

Hase ahaatee deegaanada qaar ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa la soo sheegayaa in laga sooman yahay, sida deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Deegaanada ay horay gacanta ugu hayeen Culimada Ahlusuna ee ku biiray Ahlusuna ayaa sanadihii u dambeeyay caan ku aheyd khilaafka bilashada bisha Ramadaan iyo maalmaha Ciida oo ay inta badan ka dib dhici jireen Soomaaliya iyo Caalamkaba.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=74404

Posted by on May 6 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan maanta laga soomin iyo sababta-Akhriso”

  1. Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u cibaadaysata. Taas oo ka duwan sida ummadda weyn ee Islamku u cabaadaysato.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...