|

Daawo:-Murugada iyo Xanuunka Aabaha dhalay Wiilkii Bajaajlaha ahaa ee dhawaan Ciidanka Dowladdu Muqdisho ku dileen-Video

Muqdisho ( HM) Aweys Maxamed Diinle oo ah aabaha dhalay wiilka dhalinyarada ah ee lagu dilay  degmada Waaberi ayaa muddo kadib   sheegay in askarigii dilay wiilkiisa uu ku dhex jiro madaxtooyada Soomaaliya, Islamarkaana aan waxba laga qaban.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ka dalbaday in askariga ka dambeeyay dilka wiilkiisa ee ku dhex jira madaxtooyada Soomaaliya in laga soo saaro, islamarkaana loo marsiiyo Cadaaladda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha aysan tacsi la wadaagin qoyska wiilka uu ka dhintay, waxaana uu cadeeyay in hadda askariga uu ku dhex jiro madaxtooyada oo cadaalad ay ka sugayeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaa la yiri askarigii dilay wiilkeyga madaxtooyada ayuu joogaa, madaxweyne Farmaajo waxaan ka codsanaa in la ii toogto askariga dilka geystay, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha xitaa wali iigama tacsiyeynin dilka wiilkayga, habeen kastaa kama hurdo waan ku riyoodaa” ayuu yiri aabaha dhalay wiilka.

“Dhaqaalo ma heysano, mootada deyn ayaan kusoo qaadanay, deyntii anigoo iska dhiibin ayaa la dilay wiilkayga, mootadana waa jajabtay, wiilkayga Markii Farmaajo la doortay mootada ayuu korkeeda ka dabaal dagay, haddana Alle ha u naxariisto xitaa nama dhihin”ayuu hadalkiisa kusoo daray.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=73882

Posted by on Apr 16 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Soomaali sidaadaba goormaad wax garataan? Caqabaddaha dawladda Federaalka oryaal waa sahlan yihiin. Waxaana...
  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...