|

Daawo:-Muuse Biixi oo seefta weli kula dhex jira Xukuumadiisa oo u badatay xubno fadhiid ah-Video

Hargeysa (HM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Xukuumadiisa, waxyar un kadib markii uu maanta qaar kamid ah bulshada reer Hargeysa la tukaday salaad Roob-doona.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Xil ka Qaadis

Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal
Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
Wareegto Madaxweyne.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=73856

Posted by on Apr 14 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Soomaali sidaadaba goormaad wax garataan? Caqabaddaha dawladda Federaalka oryaal waa sahlan yihiin. Waxaana...
  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...