|

Deg Deg Daawo:-Gudoomiye Yariisow oo hada ka hadlay xaalada Muqdisho oo kacsan iyo Wiilkii la dilay-Video

Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa war kasoo saaray dilkii maanta wadaha Mooto Bajaajlaha loogu geystay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow ayaa qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook, waxaana uu sheegay in uu cambaareynayo dilka Bajaajlaha loo geystay iyo banaanbaxyadii ka dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraalka guddoomiye Yariisow ayuu ku sheegay in ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ay ku raadjoogaan askarigii ka dambeeyay dilka, waxaana u sheegay in cadaalada la horkeeni doono.

“Waxaan cambaareyneynaa dilka loogeystay darawalkii Bajaajka iyo shaqsigii la saarnaa. Booliiska baa ku raadjooga askarigii dilka geystay. Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan. Si nabad ah aan shucuurteena u muujino. Waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum”ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xiisad adag ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, waxaana wali socda banaanbaxyada ay dhigayaan dadka ka carooday dilka ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Waxaa wali xiran goobo ganacsi oo badan oo ku yaala isgoyska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska ee dhawaan lagu wareejiyay amaanka magaalada Muqdisho ayaa si toos ah kaga amar qaata taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon, waxana adag in lagula xisaabtamo dilalka iyo dhibaatooyinka ay geystaan ciidamada oo la dhigay wadooyinka Muqdisho.

Ugu dambeyn Waxaa uu Eng Yariisow sheegay in Ciidanka Booliska ay go’an tahay in ay soo qabtaan ninkii falkaasi ka dambeeyay, islamarkaana inta ka horreysa loo baahan yahay in Xaaladda la dejiyo.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=73793

Posted by on Apr 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...