|

Daawo Wareysi:-Ninkii Xaaskiisa oo uur leh lagu Kufsaday Garoowe kadibna la dilay oo Warbaahinta la hadlay-Video

Garoowe (HM)-Waraysi uu siiyay idaacada Garoowe waxaa uu sheegay in xaaskiisa la kufsaday oo ay dhakhaatiirta cusbitaalku ay sidaas u xaqiijiyeen, waxaa kaloo uu sheegay in rag la xiriirinayo falkaas la soo qabqabtay, qaarna kale lagu dabo jiro.

” waxaa isugu kaaga dambaysay marxuumada 9:00 barqanimo, marwo gurigeeda joogta, nabad qabta. Safar ayaan ku maqanaa oo lacago biil ah ayaan u diray, 24 saac markii aan maqnaa ayaa waxaa igu soo dhacay telefoon la i leeyahay war ma haysaa xaaskaagii, waa dhimatay ayaa la igu yiri ee xaafada wac” Sidaas waxaa yiri cabdi oo ka waramaya sida uu kus oo gaaray warka geerida xaaskiisa.

Dhibanaha oo ka hadlayay lacago la sheegay in Cusbitaalka dowladda Garoowe ka qaadeen, gaar ahaan qaybta lagu hayo maydka, waxaa uu sheegay inay bixiyeen $300 dollar.

HALKAN KA DHAGAYSO

“Waan bixinay, sababtoo ah waxaanu ahayn dad meyd uu u yaalay,” ayuu daba dhigay hadalkiisa” ayuu sii raaciyay.

Cabdi oo ah dirawal iyo Beeralay, gabadha la dilay ay isu dhaleen labo caruur ah, wiil iyo gabar, waxa uu sheegay in rajo badan ka qabo in xaaskiisu cadaalada heli doonto, sharciga la marsiin doono kuwii kufsaday

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=73783

Posted by on Apr 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Soomaali sidaadaba goormaad wax garataan? Caqabaddaha dawladda Federaalka oryaal waa sahlan yihiin. Waxaana...
  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...