|

Daawo:-Banaanbax rabshado wata oo ka socda Muqdisho iyo Rasaas xooggan-Video

Muqdisho (HM)-Banaan bax rabshado wata ayaa ka bilowday qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, iyadoo ay dhigayaan dhalinyaro ka careysay dil loo geystay wiil dhalinyaro mooto bajaaj waday iyo qof la socday oo saaka lagu toogtay agagaarka Isgoyska Howlwadaag.

Dadka dibad baxaya ayaa waxay taayaro ku gubeen isgoyska Howlwadaag, waxaana dhagxaan ku tuurayeen baabuurta wadada marayay, iyadoo ciidankii halkaas joogay ay ka carareen rabshadaha.

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa saaka darawal waday mooto bajaaj iyo qof la socday ku toogtay agagaarka Isgoyska Howlwadaag, waxaana taasi ay keentay dibad bax rabshado watay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa cambaareeyay dilka darawalka mooto bajaajka, waxaana uu ku amray Ciidamada ammaanka in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka ka dambeeyay.

Dhalinyarada mooto bajaajka ayaa todobaadyadii u dambeeyay waxay tacadiyo kala kulmayaan ciidamada dowladda, waxaana kordhay dilalka bareerka ah ee loo geysto dhalinyarada.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale wiil dhalinyaro mooto bajaaj kaxeynayay lagu dilay Buundooyinka u dhaxeeya Xamar Jajab iyo Waaberi, waxaana ay dhigeen dibad bax ay uga soo horjeedaan dilalka, waxaana markii dambe u balan-qaaday in caddaalada la horkeeni doono askariga dilka geystay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska oo dhalinyarada dibad baxeysay ugu tagay goobta.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=73788

Posted by on Apr 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...