|

Askari Wiil Bajaajle ah iyo Wiil la socday ku dilay Muqdisho iyo Banaanbax xooggan..

Muqdisho ( HM) Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho Ciidamada Booliska ah ee ku sugan ayaa waxay saaka Dileen darawal Bajaaj la ah, waxaana wararku sheegayaan in muran uu soo kala dhax galay Askariga wax dilay iyo Darawalka la dilay.

Dilalka loo geysto darawalada Moota bajaajta ayaa muqdisho si caadi ah uga dhaca, iyadoona aysan jirin cid wax ka qabatay falalkaan soo laa laabtay.

Dibadbaxayaal ka caraysan toogashada uu Askarigu gaystay Darawal Mooto Bajaaj iyo qof la socday ayaa ka soconaya Isgoyska Howlwadaag ee Muqdisho.

Isgoyska ayaa gabi ahaanba xidhmay, waxayna Dibad baxayaashu gubayaan Taayiro.

Dhawaan ayay aheed markii Wiil Dhalinyara ah oo sidaan oo kale lagu dilay xamar jajab uu ka dhashay Banaanbax, ka dibna uu ka hadlay Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan cumar Cismaan Yariisoow.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=73770

Posted by on Apr 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...