|

Daawo:-Soomaali ku dhimatay weerar argagixiso oo ka dhacay Dalka New Zealand -Video

Laascaanood ( HM) Dad ka badan 40-Qof oo Soomaali ku Jirto ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar qof hubeysan uu ku qaaday Masjid lagu magacaabo Al-Nur oo ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Magacyada qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku geeriyooday weerarka Masjidka lagu qaaday waxaa ka mid ah.

Sheekh Muuse Nuur Cawaale oo la sheegay in uu ahaa Macalin Dugsi,

Sheekh Cabduqaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaalladii Biyaha ee Soomaaliya.

Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah wiil Lix sano jir ah, sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay Aabihii Aadan Diiriye.

Jameecada Masjidka ayaa xiliga uu weerarku dhacayay waxaa ay u fadhiyeen Salaada Jimcaha, waxaana ay mar kaliya maqleen dhawaqa rasaasta uu adeegsanayay shaqsiga weerarka geystay.

Booliiska ayaa sheegay in dhowr Qof oo Haweenay ay ku Jirto Loo Qabtay Weerarka, Waxaana sidoo kale Baraha Bulshada lagu Baahiyey Muuqaal tilmaamaya ninka weerarka gaystay oo isduubaya isaga oo rasaas furaya.

Mohan Ibrahim oo ku sugnaa masjidka ayaa warbaahinta Herald ee dalka New Zealand u sheegay “in markii hore ay u qaateen in shanqartu ay koronto tahay, balse ay dadkii billaabeen in ay kala yaacaan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=72939

Posted by on Mar 15 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...