|

Daawo:-Muuse Biixi oo sheegay halka lagu qaban doono wadahadalka Soomaliland iyo Dowladda Federaalka-Video

Laascanood (HM)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in 19-ka bisha March uu dalka Ghana ka dhici doona Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya ay diidan yihiin wada hadaladaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan wada hadalada la sheegayo inuu bishan ka dhici doono dalka Ghana ee ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore shaacisay inay diyaar u tahay in dib loo soo celiyo wada hadaladii Somaliland oo hakad galay sanadkii 2015 xilligaasoo u dambeysay wada hadalo labada dhinac dhex maro.

Labada dhinac ayaa horay ugu shiray dalalka Turkiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Ingiriiska, waxaana ay tahay arrin cusub in Soomaaliya iyo Somaliland uu wada hadalkooda ka dhaco dal ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika

Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa garwadeen ka ah dowladda Turkiga, iyadoo Safiirkii hore Olgan Bekir u soo magacawday inuu noqdo Ergeyga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=72897

Posted by on Mar 14 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok