|

Wararkii ugu dambeeyay xiisada dagaal ee Puntland iyo Soomaliland..

Laascaanood  (HM)-Waxaa wali taagan xiisadda u dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo labada dhinac ay isku heystaan.

Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii Somaliland ay ciidamo dheeraad ah geysay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo labada maamul ay isku hayaan, waxaana ciidamada ugu badan ay geeyeen deegaanka Yubbe oo ka tirsan Sanaag.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland dhankooda ay dhaqdhaaq ka bilaaben deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana arintaasi ay abuurtay cabsi soo wajahday dhinacyada dagaalamaya.

Labada maamul ayaa shalay warbaahinta isku mariyay jawaabo adag oo ku aadan xiisadda ka taagan deegaanada gobolka Sanaag, waxaana maamulka Puntland uu ku eedeeyay Somaliland Daandaansi inay ka wado gobolka Sanaag.

Taliyaha Ciidamada Somaliland ee Bariga Gobolka Sanaag ayaa isagana waxaa uu sheegay in Ciidamada ay yihiin kuwo ilaalinaya xaduudka Somaliland oo uu sheegay inaysan aqbaleyn in lagu soo xadgudbo.

Puntland ayaa Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay waxaa ay sidoo kale ku sheegtay in Somaliland ay dooneyso inay wiiqdo howlgallada Puntland ay kula dagaalameyso waxa loogu yeero argaagxisada, hayeeshee ay dul qaad muujin doonaan.

Ciidamada labada maamul kaga sugan gobolka ayaa wada dhaqdhaqaaq ciidan waxaana saacad kastaa laga baqayaa inay markale ku dagaalamaan gobolka Sanaag.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=72851

Posted by on Mar 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...