|

Deg Deg:-Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay Nolosha ku qabatay Saraakiil Al-shabaab ah-Video

Muqdisho (HM) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay howl-gal qorsheysan ku dishay horjoogeyaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, qaar kalena ay gacanta ku dhigtay.

Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta dawlad goboleedka Jubbaland ay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmada Jammaame ee gobolka Jubbada Hoose.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Howl-galladaan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay  ka dhaceen meel 10 KM u jirta degmada Jammaame, iyaggoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka webiga ka galeen deegaanka Yiireey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jammaame, sida ay sheegtay dowladda.

“Tiro ka mid ah maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa howl-galka lagu khaarajiyay, waxaana nolosha lagu hayaa tiro badan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Sida ay sheegeen Saraakisha Ciidamada Jubbaland lix qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen horjoogeyaal sar-sare ah ayaa laga diley maleeshiyaadka, waxaana nolosha lagu qabtay sadddex Kale.

Sida ay dowladda sheegtay, horjoogeyaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Cali Waraabe, Tima Jilic iyo Galley, kuwaas oo Malleeshiyaadka u qaabilsanaa Cabsi gelinta dadweynaha.

Diyaaradaha Mareykanka oo howlgalka qeyb ka ahaa ayaa duqeeyey seddex gaari oo ay Kooxda Al-Shabaab gurmad ahaan u soo direen, waxaana halkaas ku basbeelay saanad ciidan iyo raggii la socday.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=72875

Posted by on Mar 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...