|

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo Saaka ka dhacay Magaalada Gaalkacayo..

Gaalkacyo (HM)-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal uu waaberigii saaka uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa dhexmaray labo maleeshiyaad deegaanka ah, waxaana ay ku dagaalameen dhul banaan oo ku yaala agagaarka xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac gaartay labada dhinac.

Labo ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku geeriyooday dagaalka halka shan kale ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland oo warbaahinta la hadlay.

Dhulka Banaan ayaa labada maleeshiyaad waxaa la sheegay inay isku heystaan lahaanshihiisa, waxaana wali ka taagan deegaanka xiisada maadaama ay isku horfadhiyaan dhinacyada dagaalamay.

Wariyaha Caasimada Online ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in mararka qaar la maqlayo rasaas goosgoos ah oo ka dhaceyso waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magalada Gaalkacyo ee Puntland iyo laamaha amniga intaba weli kama hadlin dagaalkaas, hayeeshee dadka ku sugan goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen inay casbi dareemayaan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=72859

Posted by on Mar 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...