|

Daawo:-Adduunka oo ku kacay Diyaaradii Boeing 737-Video

Muqdisho ( HM ) Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey in dalalka Yurub isticmaalaan diyaarada Boeing 737 MAX8 iyo 737-9 oo ah nooca diyaaradii Ethiopian Airlines ee soo dhacday Axadii lasoo dhaafay.

Dalal badan oo caalamka kamid ah ayaa bilaabay inay mamnuucaan adeegsiga diyaaradan oo si weyn looga shakisan yahay in ay ku jirto cilad farsamo oo sababtay shilalka soo noq noqday ee diyaaradan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hay’ada u qaabilsan EU-da duulimaadka ee EASA ayaa sheegtay in amarkan uu dhaqan galay xalay saacadu markay ahayd 7dii fiidnimo.

Waxaa sidoo kale amar lagu siiyey shirkadaha aan reer Yurub ahayn in duulimaadyadooda imaanaya wadamada Midowga Yurub aysan isticmaali karin diyaaradan.

Dalalka kale ee mamnuucay diyaaradan tan iyo isniintii ayaa waxa kamid ah UK, Australia, Singapore, India, China, Indonesia, Cumaan, Malaysia, Norway, UAE, South Korea, Ireland, Mongolia iyo Itoobiya.

Dalka Maraykanka oo laga leeyahay shirkada Boeing ee soo saarta diyaaradan ayaan dhankooda weli mamnuucin, waxayna hay’ada duulimaadka u qaabilsan Maraykanka ee FAA sheegtay in diyaaradan ay tahay mid la isku aamini-karo oo sii shaqeyn karta.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=72863

Posted by on Mar 13 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok