|

Daawo:-Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Axmed Madoobe oo lagu wado inay Heshiisyo kala saxiixdaan-Video

Kismaayo (HM)-Kulamo gaar gaar ah ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii halkaasi uu xalay ku howday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulamo gaar ahaa oo u dhaxeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kulankaasi ayaa looga hadlay sida ugu dhow ee ay u wada Shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxaana dibad joog ka ahaa wafdiga ra’iisul wasaaraha ku wehlinaya safarka Kismaayo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maanta la filayo in labada dhinac ay heshiis ku kala saxiixdaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ku saleysan wada shaqeynta labada dhinac.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Safarka Kheyre ee magaalada Kismaayo ayaa dhaliyay shaki badan oo ku aadan inuu bilow u yahay olalaha doorashooyinka dalka ee 2021, waxaana dadka falanqeeya siyaasadda ay sheegayaan in isbaheysi siyaasadeed uu ka bilowday magaalada Kismaayo.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo maanta uu ra’iisul wasaaraha uu xariga ka jari doono mashaariic horey looga dhagax dhigay magaalada, iyadoo kuwo cusubna la dhagax dhigi doono.

Jubaland waa maamulkii marti geliyay shirkii wada shaqeynta looga joojiyay dowladda Federaalka ah, waxaana Madaxweynaha Maamulkaasi dowladda Federaalka ah dhowr jeer ku dhaliilay ballamo ka bixidda.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=72837

Posted by on Mar 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...