|

Daawo:-Sanduuqa Madow ee Diyaaradii burburtay oo la helay-Video

Jigjiga (HM)-Baarayaasha burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee ku burburtay duleedka magaalada Addis Ababa shalay ayaa helay sanduuqa madow ee duuba codadka ugu dambeeya ee diyaaradaha.

Diyaaradan oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ayaa burburtay lix daqiiqo kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa iyadoo ay ku dhinteen dhamaan dadkii saarnaa oo gaarayay 157 ruux.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Diyaaradaha noocoodu yahay 737 ayaa dalal badan ay joojiyee duulimaadyadooda waxana diyaaradan ay shaqeynayaan dhowr bilood oo kaliya.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay burburka diyaaradan hase yeeshee duuliyihii diyaarada ayaa sheegay inay cillad soo wajahday loona oggolaado inuu diyaarada soo dejiyo.

“Ma sheegi karno sabab rasmi ah oo keentay burburka diyaarada waa inaan sugnaa natiijada ka soo baxda baaritaanka.”ayuu yiri Tewolde Gebremariam oo ah madaxa shirkada Ethiopian Airlines.

Duuliyihii waday diyaarada Capt Yared Yared Getachew ayaa ahaa duulinayay diyaaradaha muddo ka badan toban sano waxana uu hawada ku jirey illaa iyo siddeed kun oo saacadood.

Shirkadda soo saarta diyaaradaha Boeing ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay shilkan waxana ay u soo dirtey qubaro dalka Ethiopia.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=72822

Posted by on Mar 11 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...
  • Rasta buuni: Maxuma haday dhab ka tahay
  • Abdi: Hambalyo iyo sallaan baanu hawda u marinayna Dawladda Federalka Soomaaliyeed sida adag ee ay sutida ugu hayso...
  • Abdi: Haddii arrintu noqotay dagaal shaashiyeed, Soomaalidduna ha iska joojiso “Qaadka baas” ee Soomaali...
  • Abdi: Sida ka muuqata hab dhaqanka iyo maamulka Ahlu-Sunna, waxa muuqata in ay yihiin “xer” si gaar ah u...